7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2024
Raysal Wasaare Xamse: Waxaan qaadaynaa tallaabo degdeg ah oo aan ku joojinayno dagaalka Luuq
 

Isniin, Luulyo, 8, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah ee ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa maamulka goboleedka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq.

Xamse waxa uu faray Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo uu sheegay inay fursad u yihiin  in Alshabaab ay ku sii dhuumaaleystaan deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka.

"Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna," ayuu yiri Xamse.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada.

Hadalka raysal wasaaraha ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Luuq uu shalay iyo doraad ka dhacay dagaal beeleed salka ku haya muran dhinaca deegaanka ah.  Tobaneeyo qof ayaa ku geeriyooday dagaalkaas. Ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan ayaa la sheegay inay ku milmeen colaadda, iyagoo la kala saftay maleyshiyaadka dagaalamaya.