7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2024
Jubbaland oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso dadka ku lugta leh colaadda ka taagan degmada Luuq
 

Axad, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Maamulka jubbaland ayaa digniin u jeediyay dadka  ku lugta leh colaadda ka taagan degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo shalay iyo maanta uu dagaal xooggan ku dhexmaray labo maleyshiyo beeleed.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayay colaaddan, ayaa sheegay cid kaste oo gadaal ka riixaysa colaadda labada beelood in tallaabo adag laga qaadi doono.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in maamulka Jubbaland uu si degdeg ah uga farriisin doono sidii xal looga gaari lahaa colaadda ka taagan Luuq.

Maxamuud Sayid Aadan waxa uu si adag baaq ugu diray hoggaamiyayaasha dhaqanka labada beel, isagoo u sheegay in looga baahan inay kaalintooda odeytinimo ka qaataan joojinta colaadda. Wuxuu u sheegay inay ku amraan wiilasha dagaalamaya inay xabbadda joojiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalkii shalay iyo maanta ka dhacay degmada Luuq ayaa geystay khasaaraha in ka badan 10 dhimasho ah iyo dhaawacyo kasii badan.

Waxaa u sii dheer in guryo badan la gubay. Sidoo kale ciidamo katirsan Milatariga dowladda Federaallka Soomaaliya oo degmada Luuq ka howlgalayay ayaa la sheegay in ay lakala safteen dhinacyada dagaalamaya.

Maamulka gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin u jeediyay ciidamada dowladda ee qeybta ka ah colaadda Luuq, isagoo maamulku ugu baaqay inay  ciidamada kaalinta joojinta colaadda labada beelood.