7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta markale ka dhacay degmada Luuq
 

Axad, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed maanta markale ka dhacay gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega.

Dagaalka maanta ka dhacay Luuq ayaa ah mid daba socda dagaal labadii maalmood ee lasoo dhaafay halkaas ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan labadaan maleeshiyo beeleed, waxaana lasoo wariyay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah ayaa ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay gudaha magaalada Luuq, hayeeshe wali lama xaqiijin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Dadka ku nool xaafadaha magaalada Luuq ayaa bilaabay iney ka barakacaan magaalada guryahooda sababo la xariira dagaalka ka socda gudaha magaaladaas oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka labada beelood ee dagaalka u dhaxeeyo iney taageero ka kala helayaan ciidanka dowladda ee ku sugnaa magaaladaas, taasina ay sii hurineyso inuu dagaalka daba dheeraado.