7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2024
Ciidamo isku dhaf ah oo la wareegay amniga inta u dhaxaysa Galdogob iyo Bandiiradley
 

Axad, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Puntland iyo Galmudug ayaa si rasmi ah looga howlgaliyay degaanadii dhawaan dirirtu ku dhex martay labo maleyshiyo beeleed.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud  ayaa sheegay ciidamada isku dhafka in ay ka howlgali doonaan dhulka xiriiriya Galdogob iyo Bandiiradley, isagoo sheegay hadda kaddib in aysan jiridoonin maleyshiyaad kasoo duula labada deegaan.

Wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Aadan Gaboobe ayaa sheegay cid kaste oo isku dayda inay carqaladayso heshiiska xabbad joojinta ee la gaaray, in tallaabo sharciga waafaqsan ay ciidamada isku dhafka ah ka qaadidoonaan.

Ciidamada ka socda labada maamul ayaa la dajiyay goobihii laga qaaday maleyshiyaadkii ku dagaalamayay degaanka Galbeedka gobolka Mudug, waxaaana halkaas loo geeyay in ay sugaan amniga goobaha dirirtu ka dhacday.

Waxgaradka labada dhinac ayaa soo dhoweeyay tallaabadan xalka looga gaaray dirirtii dhacday, iyagoo u arka xalka looga hortagi dirir dambe oo halkaas ka dhacda, waxayna bogaadiyeen dadaalada labada dhinac.