7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Shabaabku waxay dalka ka bilaabeen iska horkeenidda beelaha si aan uga jeesano xorraynta dalka
 

Axad, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay, Alshabaab inay qeybo kamid ah gobolada dalka ka bilaabeen iska horkeenidda qabaailada si ay colaad uga dhex abuuraan, dhexdoodana uga abuuraan cadowtinimo.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay ujeeddada ay Shabaabku ka leeyihiin  tallaabadan in ay tahay, sidii ay u cuuryaamin lahaayeen wajiga labaad ee howlgallada dib u xorraynta degaanada Shabaabku haystaan, oo uu sheegay  in ay dowladdu ugu diyaar garow xooggan howlgalladaas.

“Waa qeyb kamid ah qorshaha argigigxisada iska horkeenidda shacabkeenna, si aan ugasii jeesano xorraynta dalka. Taasi ma dhacayso. Dalkeenna waan nabadaynaynaa, Khawaarijtana dalka waan ka saaraynaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha waxa uu bogaadiyay dadaalada dowlad goboleedyada iyo odayaasha dhaqanku ugu jiraan sidii loo dhamayn lahaa colaadaha beelaha. Waxa uu sheegay dowladda Federaalka inay dadaalo xooggan galinayso nabadaynta dalka.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa yimid, iyadoo Alshabaab ay wadaan dhaqdhaaqyo ay dib ugu qabsanayaan degaanadii laga xoreeyay.

Maalintii jimcaha, Alshabab ayaa sheegay inay la wareegeen degaanka Goof Gaduud Buureey oo 30km u jirta magaalada Baydhabo, kaddib markii ay ku qaadeen weerar jarmaado ah.