7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2024
Ciidamada dowladda iyo Kuwa Jubbaland oo kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah
 

Axad, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa kooxda Al-shabaab kala wareegay Tuulada Filfile oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Tuuladaan lagu magacaabo Filfile oo dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Buulo Xaaji ayaa la sheegay in kooxda Al-shabaab u aheyd goob ay ku qaadaan lacagaha baada ah oo ay kooxdu ugu yeerto Sakawaadka.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidankaan ayaa warbaahinta u sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku baacsanayaan kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe si weyn u kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta deegaanada maamulkaas.

Si kastaba ha ahaate waxaana xusid midan in tan iyo markii bishii lasoo dhaafay ciidamadu Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Buulo Xaaji iney isa soo dhiibeen labaatameeyo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.