7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2024
Puntland iyo saraakiil ka socday Midowga Yurub oo kawada hadlay xoojinta la dagaalanka kooxaha Burcad badeedda
 

Jimco, Luulyo, 5, 2024 (HOL) - Saraakiil ciidan oo ka socday Howlgalka Ilaalada badda ee Midowga Yurub, ayaa kulan xeebta magaalada bosaaso kula qaatay saraakiil katirsan ciidanka booliiska Puntland.

kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista wada shaqaynta iyo is xog-isweydaarsiga u dhaxeeya Booliiska Puntland iyo ciidamada badda yurub ee EU NAVFOR.

Ujeeddada kulanka ayaa ku qotomay in lala dagaalamo burcad-badeedda, kalluumaysiga sharci-darrada ah, iyo khataraha kale ee baddaha ee ka jira biyaha puntland.

“Wadahadalku waxa uu ku qotomay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidanka booliiska Puntlan iyo EU NAVFOR, si wax looga qabto burcad-badeedda, kalluumaysiga sharci-darrada ah, iyo khataraha kale ee ku wajahan biyaha Puntland. wadaagista macluumaadka iyo hawlgallada wadajirka ah,” ayuu yiri Cabdulqaadir Jaamac Dirir, taliyaha ciidanka booliiska gobolka bari.

kulankaan ayaa imaanaya iyadoo ay kordheen dhaq-dhaqaaqyada afduubka burcadbadeedda, iyadoo horaantii sanadkan la sheegay in ay dhaceen weerraro afduub oo dhowr ah.