7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2024
Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay shidaal la sheegay inuu ku socday Alshabaab
 

Jimco, Luulyo, 19, 2024 (HOL) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Galgaduud ku qabtay dhowr jirgaan oo ay ku jiraan shidaal iyo agabyo kale oo la rumeysan yahay in loo waday degaanada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa sidoo kale deegaanka Masagawaa ku dilay nin hubaysan oo la sheegay inuu katirsanaa Alshabaab. Sidoo kale ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen labo haween ah oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin  kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la socday gaari.

“Ciidanka XDS waxay ku guulaysteen inay soo afjaraan xubin ka tirsan Al-Shabaab oo ku hubaysnaa qori AK-47 ah oo ku sugnaa Koontaroolka Masagaway,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda.

Shakhsiga ayaa la toogay ka hor inta uusan qaadin weerar.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Galgaduud ayaa il gaar ah ku haya dhaqdhaaqyada gaadiidka, iyagoo marar kala duwan qabtay gaadiid sahay u waday kooxda Alshabaab.