7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2024
Jubbaland oo ku dhawaaqday in ay dhaqan gashay xabbad Joojintii laga sameeyay degmada Luuq
 

Jimco, Luulyo, 19, 2024 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku dhawaaqay in ay xabbad joojin ka dhaqan gashay degmada Luuq, ka dib dagaallo ay dad badan ku dhinteen oo labo beelood ku dhexmaray degmada Luuq.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa sheegay in dhinacyadii dagaalamay ay ku heshiiyeen in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la furo wadahadal lagu xalinayo khilaafkooda.

Xabbad joojintan ayaa daba socotay waanwaan uu madaxweyne ku xigeenla Jubbaland ka sameeyay magaalada Luuq halkaas oo uu kula kulmay odayaal ka soo kala jeeda beelihii dagaalamay.

Colaadda degmada Luuq ayaa geysatay khasaare ballaaran, iyadoo kumanaan qoys ay isaga barakaceen guryahooda iyagoo ka cararaya inay naftooda ku waayaan colaadda.

Dowladda Federaalka ayaa ka digtay in isku dhacyadaasi ay noqon karaan isku day lagu doonayo in looga weeciyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.