7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2024
Galmudug oo soo dhoweeysay in maxkamad lasoo taago dadkii hubka sharci darrada ah soo galiyay deegaanadeeda
 

Jimco, Luulyo, 19, 2024 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa soo dhoweeyay go’aankii kasoo baxay Guddiga Amniga Qaranka ee la xiriiray hubka sharci darrada ee sida qarsoodiga ah loosoo galiyay gobolka Galgaduud.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray hay’adaha garsoorka Galmudug inay hay’adaha Dowladda Federaalka  kala kaashadaan sidii caddaaladda loo horkeeni lahaa kuwii ka dambeeyay soo galinta Galmudug hubkaas, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Galmudug waxay dalbatay in si degdeg dambiilayaasha maxkamad loosoo taago.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda hubka gacanta u galay shacabka Cabudwaaq.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Cabudwaaq, ayaa ku howlan sidii hubka looga soo celin lahaa gacanta shacabka.