7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska
 

Jimco, Luulyo, 19, 2024 (HOL) - Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan sahaminta iyo soo saarista Saliidda iyo Gaaska, iyadoo heshiiskan uu noqonayo tallaabo kale oo kor u qaadaysa xiriirka  u dhexeeya labada dal.

Heshiiska waxaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wasiirka tamarta Turkiga ayaa ku dhawaaqay in Turkigu u diri doono markabkiisa cilmi baarista ee Oruç Reis si uu cilmi baaris ugu sameeyo aag ka baxsan xeebaha Soomaaliya dhamaadka sanadkan.

Bayraktar oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay, in Turkigu  siddeeddii sano ee u dambeeyay uu ku howlanaa dadaallada sahaminta gaaska dabiiciga ah, isagoo adeegsanaya awooddiisa maraakiibta qodista.

“Waxaan tusaale u aragnaa tan maanta, in heshiiskii aan Soomaaliya kula galnay hoolkan 7-dii March, 2024, uu maanta noqday mid la taaban karo,” ayuu raaciyay.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Bayraktar ayaa intii uu khudbadiisa ku guda jiray waxa uu ku dhawaaqay in Turkiga uu sahamin doono Gaaska Dabiiciga ah iyo Shidaalka saddex qeybood oo ku yaalla Badda Soomaaliya.