7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2024
Guddiga Amniga Qaranka oo amray in maxkamad lasoo taago dadkii hubka sharci darrada ah dalka soo galiyay
 

Jimco, Luulyo, 19, 2024 (HOL) - Kulan ay yeesheen guddiga amniga qaranka oo uu shir gudoominayay madaxweynahaa dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa lagu go’aamiyay in maxkamad lasoo taago dadkii hubka sharci darrada dhawaan dalka soo galiyay.

Guddiga Amniga Qaranka ayaa wasaaradda caddaaladda iyo hay’adaha sharci fulinta u xilsaaray in ay soo gudbiyaan warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee sida dhuumaaleysiga ah lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta.

Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dowladda ee Xakameynta Hubka.