7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2024
Madaxda Degaannada Soomaalida iyo Canfarta oo heshiis rasmi ah gaaray
 

Jimco, Luulyo, 19, 2024 (HOL) - Madaxwaynayaasha Degaannada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in lasoo afjaray isla markaana heshiis rasmi ah laga gaaray colaaddii ka dhex taagnayd labadaas degaan, taas oo muddo dheer soo jiitantay.

Wada hadallo maalmihii lasoo dhaafay usocday madaxda labadaas degaan ayaa ugu dambeyn galinkii dambe ee shalay qalinka lagu duugay heshiis rasmi ah oo lagu joojinayo colaaddii ka dhex taagnayd Soomaalida iyo Canfarta, taas oo muddooyinkii u dambeeyay dhiig badan ku daatay.

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo heshiiskan ka hadlay ayaa sheegay in ugu horreyn loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha keena isku dhacyada labada degaan, muhiimna ay tahay in dadkii ku barakacay collaaddan lagu celiyo guryahoodii " Waxay labada degaan isla meel dhigeen in colaadda la joojiyo, lagana fogaado waxyaaba isku dhacyada keenaya, heshiiskana inaan hirgalino diyaar baanu u nahay" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Dhiniciisa Madaxweynaha Dowlad Degaanka Canfarta Awal Arba oo isaguna ka hadlay heshiiskan uu degaankiisu la galay degaanka Soomaalida ayaa sheegay in lagu heshiiyay in la joojiyo Xabadda iyo isku dhacyada labada degaan, isla markaana la qabto wada hadal dadweyne iyadoo loo marayo qaab dastuuri ah.

Haddaba qodobada ay labada dhinac waa Soomaalida iyo Canfartu ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa, In Xabad-joojin dag dag ah la sameeyo, in dadkii ku barakacay collaadda labada degaan lagu celiyo goobihii ay ka soo barakaceen, In dhibaatoyinkii dhacay halkaas lagu soo afjaro iyo In labada degaan waa Soomaalida iyo Canfarta ay ka shaqeyaan sidii lo hirgalin lahaa heshiiska nabadeed.

Waxaa kale oo kamid ahaa waxyaabihii lagu heshiiyay in sidoo kale dib u dejin loo sameeyo dadkii ku dhibaatoobey isla markaana waxyeelladu ka soo gaartay colaadda labada degaan, In dib loo kala qaado oo la kala durkiyo Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Canfarta, In dadka deggan magaaloyinka uu muranku ka taagan yahay laga qaado Afti iyadoo la raacayo sharciga uyaalla Dastuurka dalka Itoobiya iyo In Ciidamada Melatariga lagu wareejiyo amniga saddexda magaalo ee horey la isugu hayay.

Qaar ka mid ah Waxgaradka gobolka Siti ee Dowlad Degaanka Soomaalida oo ka hadlay siday u arkaan heshiiskan ayaa maalinimadii shalay ahayd gaareen Madaxda Soomaalida iyo Canfarta ayaa sheegay in marar kala duwan oo hore ay sidan oo kale heshiisyo loo gaaray, balse hadda ay u arkayaan in heshiiskani hirgalay marka dadkii soo barakacay ay goobahoodii si nabad ah ugu noqdaan dhiig dambena uusan daadan.

Soomaalida iyo Canfarta wada degta dalka Itoobiya ayaa muddo aad u dheer waxay isku hayeen dhul maamullladii hore ee degaannadaas ay si khaldan ugu heshiiyeen, iyadoo dhul Soomaali deggan yihiin lagu wareejiyay xilligaas maamulka Canfarta,  dhibaatadii halkaas ka dhalatay ayaa keentay in colaaddan dabada dheeraatay ee dhiigga badani ku daatay, marba marka xigtana heshiisyo cusub laga gaaro, balse waxaa laga dhur sugayaa hadda sida uu u hirgalo heshiiskan cusub ee u dambeeyay.