7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2024
Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo maanta la wareegay deegaanadii ugu badnaa
 

Arbaco, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa maanta kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada is garabsanaya ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab kula wareegay dhowr deegaan oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow.

Deegaanada ciidamadu la wareegeen waxaa ka mid ah Lagta Qubbi, Golhadamo, Biibi, Harboole iyo Miido oo ah deegaano muhiim ah, waxaana ciidamada la wareegay deegaanadaas ay ka kala bexeen degmada Afmadow iyo deegaanka Jannaay Cabdalle.

Ciidamada iskaashanaya ayaa sidoo kale burburiyay gabaadyado kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanadaan maanta lagala wareegay kooxda ee ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegnaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ciidamadaan howlgalo sifayn ah ka wadeen jidka dheer ee u dhexeeya Kismaayo iyo Afmadow oo markii hore ka talin jireen Al-shabaab.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta howlgalo noocaan oo kale ah oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda ka fuliyay deegaanada kala ah Joore iyo Weelmaarow, inkastoo aanan la shaacin khasaaraha rasmiga ee howlgalkaasi lagu gaarsiiyay Al-shabaab.