7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2024
Somaliland oo sheegtay in ay iska difaacayso cadaw isku soo bahaystay
 

Arbaco, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in loo diyaar garoobo difaaca Somaliland iyo doorashooyinka mudaysan 13 November.

Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirada Somaliland yeesheen oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray go'aamo ay kamid yihiin difaaca Somaliland iyo qabashada doorashooyinka.

"Goluhu wuxuu caddeeyey in doorashada wakhtigeedii lagu qabanayo, dalkana si adag looga difaacayo kuwa  isu soo bahaysatay  inay waxyeelleeyaan qarannimada Somaliland ee u soo hanjabaya ee colaaddu u cusub tahay" ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada.

Qoraalku waxa uu intaa ku daray in shacbiga Somaliland ay waajib ku tahay inay sidaa ugu diyaar garoobaan doorashada iyo difaaca Somaliland.

Madaxwayne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash ayaa dhawaan sheegay in SSC Khaatumo ay u baahantahay qayb kamid ah magaalada Ceerigaabo in ay calankeeda ka taagto.

Sidookale, xidhiidhka siyaasadeed ee Somaliland iyo Jabuuti ayaa xumaaday, kadib markii ay Jabuuti khatar u aragtay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyada dhaqdhaqaaqyo kasoo horjeeda Somaliland lagu martiqaaday caasimada Jabuuti.