7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2024
Puntland oo ku amartay dadka sida gaarka ah u haysta gaadiidka dowladda inay soo wareejiyaan
 

Arbaco, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Hanti dhowrka guud ee Puntland ayaa ku amray shakhsiyaadka gacanta ku haya gaadiidka dowladda inay soo wareejiyan, ka hor inta aan tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadin. Hadalkan ayaa wuxuu daba socdaa baaritaan lagu sameeyay gaadiid badan oo maamulku leeyahay oo la la'yahay.

Bishii hore, baabuur uu maamulku leedahay ayaa la ogaaday in lagu kala iibsaday suuqyada. Qaar ayaa lala baxsaday oo laga iibsaday degaanada ka baxsan Puntland. Arrimahan ayaa intooda badan dhacay intii lagu guda jiray doorashooyinka Puntland.

Hanti-dhowraha Guud ee Puntland Cismaan Maxamed Cali Gaas, ayaa ku amray cid kasta oo aan xil dowladdeed haynin oo haysata gaadiid dowladeed , in ay dib ugu soo celiyaan Xafiiska Hanti-dhowrka marka la gaaro 16-ka July 2024-ka.

Wuxuu sheegay hantidhowrku in loo baahan yahay in loo hoggaansamo awaamiirta dowladda. Wuxuu sheegay ciddii ka dhego adaygta in magacyadooda loo gudbindoono  hay'adaha fulinta sharciga.

Hadalka hantidhowraha Puntland ayaa kusoo aadaya, xilli siyaasiyiin horey xilal ugasoo qabtay Puntland iyo saraakiil ciidan ay weli gacanta ku hayaan gaadiid maamulku leeyahay.