7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2024
Dad isku qoys ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday hoobiyaal lagu gaaray Tuulada Balow
 

Arbaco, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyaal ah oo lagu garaacay saacadahii lasoo dhaafay tuulada Balow oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hoobiyaasha lagu garaacay tuulada Balow ayaa daba socday dagaal culus oo halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa Al-shabaab, waxaana ku dhintay dad gaaraya 10 ruux oo shacab ah.

Hoobiyaasha ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad gaaraya 13 ruux oo u badan dad isku qoys ah oo lasoo gaarsiiyay isbitaalo ku yaala Muqdisho, kuwaas oo qaarkood xaalad halis ah ku jira, waxaana la xaqiijiyay in isbitaalka ku geeriyoodeen laba ka mid ah dhaawacyada la keenay galinkii dambe ee Shalay.

Ibraahim Siidow oo ka mid ah qoysaska waxyeelada dhimashada iyo dhaawac ku noqday hoobiyeyaasha lagu garaacay Balow ayaa sheegay iney ka dhinteen 4 ka mid ah carruurtiisa, islamarkaana sidoo kale ay dhaawac yihiin hooyadiis, aabihiis iyo xaaskiisa.

"Hoobiye nalagu soo tuurey ayaa na dhameeyay Caruurteyda afar ka mid ah waa geeryoodeen halna waa dhaawac, Aabaheey, Hooyadey iyo xaaskeyga dhaawac halis ah ayaa soo gaarey," ayuu yiri Aabe Ibraahim Siidow.

Dhacdadaan naxdinta badan leh ayaa qeyb ka noqoneysa dhacdooyin sidaan oo kale ah oo horay uga dhacay deegaanka Bariire iyo tuulooyinka hoostaga, kadib markii duqeymo ay diyaaradaha dagaal ka fuliyeen gudaha deegaankaasi ay dhimasho iyo dhaawac horay uga soo gaartay dad shacab ahaa.