7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2024
Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay xaduuda dalalka Kenya iyo Uganda
 

Arbaco, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay sadax ruux oo Soomaali ah oo ka dhacay xaduuda ay wadagaan dalalka Kenya iyo Uganda.

Dilka sadaxdaan ruux ee Soomaalida ah iyo dhaawac 7 ruux oo kale ayaa waxaa geystay dad careysnaa oo dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed u adeegsaday Seefaf iyo budad.

Sadaxda ruux ee dhimatay iyo 7 kale ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in dhamaantood ahaayeen dhalinyaro wax ku baratay dalalka Uganda iyo Kenya, islamarkaana kusii jeedeen magaalada Kampala dalka Uganda.

"Dhalinyarada dhimatay iyo kuwa dhawaaca ah waxaa lagala dagay gaari ay sarnayeen, kadib markii ay ka lumeen wadada oo ay tageen tuulo rabshad ka jirtay, halkaas ayaana dad careysan dilka iyo dhaawaca ugu geystaan seefaf iyo budad ay ku hubeysnaayeen dadka careysnaa" ayuu yiri mid ka mid ah ehelada dalka weerarkaas ku dhintay.

Dhacdadaan oo dhacday Jimcihii lasoo dhaafay ayaa keentay in Soomaalida u kala safarta labadaas dal lasoo daristo cabsi xoogan oo sababtay iney joogsadaan gaadiidkii Soomaalida ee u kala safri jiray dalalka Uganda iyo Kenya.

Ugu dambeyntii ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa madaxda dowladda Kenya ka codsaday in caddaalad u raadiyaan dadkooda sida xaqdarada ah loo dilay loona dhaawacay, iyagoo safar ahaa.