7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2024
Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kula kulmay taliyaha howlgallada gaarka ah ee Bariga Afrika
 

Arbaco, Luulyo, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ku qaabilay taliyaha  dowladda Maraaykanka u qaabilsan hawlgallada gaarka ah ee bariga Afrika, Kornayl David Haskell, kaas oo booqasho ku tagay Kismaayo.

Kulanka dhexmaray labada masuuul ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo tageerada dhinaca amniga ee Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka  ah kooxda Alshabaab.

“Waxaan ka wada hadalnay dadaaladii ugu dambeeyay ee soo cusboonaaday ee ugu dambeeyay ee lagu guuleystay xoreynta degaano cusub oo ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka ee Jubaland, waxaana ku boorrinay dowladda Mareykanka inay gacan ka siiso shacabka Soomaaliyeed sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta,” ayuu madaxweyne Axmd Madoobe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in Kornayl David Haskell uu bogaadiyay howlgallada lagu xoreeyay deegaanka buuloxaaji iyo deegaanada ku xeeran isagoo xusay in guulaha laga gaaray howlgalladii u danbeeyay ay muujinayaan sida Jubbaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin Khawaariijta.

Taliyaha Hay’ada Sirdoonka Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid ayaa kulan qeyb ka ahaa.