7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 6 , 2024
Xildhibaanada aqlabiyada Golaha Wakiilada Somaliland oo cambaareeyay dowlada Soomaaliya
 

Sabti, January, 6, 2024 (HOL) - Badi xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo samaystay isbahaysi, ayaa soo saaray qodobo ay kaga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee Somalilad, iyo waxyaabaha ay u midoobeen.

Xildhibaanada oo warbaahinta la hadlay, ayaa cambaareeyay faragalin ay sheegeen in dowlada Soomaaliya ay ku hayso Somaliland, iyaga oo sheegay in ay qaraar gole ay ku soo saari doonaan qoraal ay kaga jawaabayaan.

Waxay ku baaqeen in arrinta gobolka Sool iyo magaalada Laascaanood lagu soo dabaalo nabad, wadahadal iyo hanaan siyaasi ah, si xal loogu raadiyo khilaafka ka dhexeeya xukuumada Somaliland iyo bulshada gobolka.

Waxay sheegeen in ay u midoobeen difaaca Somaliland, hirgalinta danaheeda oo uu aqoonsigu ugu horeeyo, la xisaabtanka waaxda fulinta ee uu madaxweynuhu gadhwadeenka u yahay, iyaga oo si gaar ah awooda u saaraya, heeshiisyada caalamiga ah, doorashooyinka, iyo maamulka maaliyada.

Sidookale, waxay sheegeen in ay korjoogtaynayaan fulista heshiisyadii lagu xaliyay khilaafkii doorashooyinka, Somaliland ee ahaa in la qabto doorashooyin isku sidkan oo madaxtooyada iyo asxaabta siyaasada ah.

Ugu danbayn, waxay madaxweynaha ka cosadeen in uu deg deg golaha u horkeeno is afgaradkii uu dhawaan la saxeexday dowlada Itoobiya.