7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 6 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh oo saxiixay xeerkii labada aqal ay ku buriyeen heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland
 

Sabti, January, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa saxiixay xeerkii labada aqal ee Baarlamaanka ay ku buriyeen is-afgaradkii dowladda Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaayaasha labada aqal ee baarlamaanka ayaa ku sugnaa munaasabad kooban oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku saxiixaayay xeerkaan.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay golaha wakiilada iyo Aqalka Sare doorka ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in xeerkaan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu farriin adag u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadooda, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka jiritaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka labadiisa aqal ayaa dhawaan wax kama jiraan ku tilmaamay heshiiska is afgaradka ah ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, iyagoo sheegay inuu ka hor imaanayo sharuucda caalamiga ah iyo dowladnimada Soomaaliya.