7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 6 , 2024
Dagaal culus oo lagu dilay Abaanduulahii guutada 18-aad ee Gorgor oo Maanta ka dhacay Mudug

Sabti, January, 6, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus oo maanta ka dhacay Koonfurta Mudug lagu dilay Abaanduulahii guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo hoggaaminaayay ciidamada huwanta.

Dagaalka lagu dilay Abaanduulaha ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ay weerar ku qaadeen goob la sheegay iney isku aruursanayeen kooxda Shabaab oo ku taala duuleedka magaalada Caad.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo socday saacado dhowr ah, kaasoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac oo aan wali la xaqiijin inta uu dhan yahay.

Wararka waxay intaasi ku darayaan inta Taliye Suulnuug uu markii hore soo gaaray dhaawac, hayeeshee markii dambe uu u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Allah u naxadiistee Taliye Suulnuug waxa uu mudooyinkii dambe ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka, isagoona qeyb ka ahaa xureyntii degmada Aadan Yabaal iyo deegaano kale oo ku yaala gobolada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Deegaanada dhaca Koonfurta Mudug waxaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay si xoogan uga socday howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolkaas, waxaana xusid mudan in howlgaladaas Al-shabaab loogala wareegay deegaano mudo badan ay gacanta ku haysay kooxda.