7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 6 , 2024
Shirkadda isgaarsiinta Dalkom oo beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay

Sabti, January, 6, 2024 (HOL) - Shirkadda Dalkom oo kamid ah shirkadaha bixiyaha adeegga isgaarsiinta internetka ayaa beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo ay shirkadu u aragto in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in lagu magac dilo sumcadda shirkadda.

Warka baraha bulshada lagu faafiyay ayaa ahaa in shirkadda ay leeyihiin masuuliyiin sarsare oo dowladda Soomaaliya katirsan, islamarkaana iyadoo la adeegsanayo magaca dowladda in shirkadda loo xiray  internetka xawaaraha dheereeye ee 5G.

Warsaxaafadeed shirkadda kasoo baxay  ayaa lagu sheegay, in shirkaddu tahay shirkaddii ugu horraysay ee dalka ka hirgalisa adeegga internetka xawaaraha sare.