7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 6 , 2024
Guddiga doorashada oo goor dhow shaacinaya musharaxiinta isku diiwaan galiyay madaxtinimada Puntland

Sabti, January, 6, 2024 (HOL) - Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, ayaa lagu wadaa inay saacad kadib  si rasmi ah u shaaciyaan liiska musharaxiinta buuxiyay  sharuudaha tartanka doorashada.

Waqtiga kama dambeysta ee loo qabtay musharaxiintu inay isku diiwaan galiyaan waxaa ka harsan wax ka yar hal saac, waxaana guddigu diiwaan galiyay badi musharraxiinta.

Musharax kaste oo madaxweyne isku diiwaan galiyay ayaa laga qaaday lacag soddon kun oo dollar ah, halka musharaxiinta madaxweyne ku xigeenka laga qaaday shan iyo toban kun oo dollar, waana lacagtii ugu badnyad ee lagu diiwaan galiyo musharaxiinta Puntland.

Madaxweynaha uu xilka kasii dhamaanayo ee Siciid Deni weli ma qaadan shahaadada musharaxnimo, kumana jiro musharaxiinta uu soo gudbiyay guddiga doorashada.

Guud ahaan tirada is diiwaan galiyay ayaa ah ku dhawaad 20 musharax, kuwaas oo ay aad uga dhex muuqdaan siyaasiyiinta mucaaradka ee u midoobay inay isbeddel u horseedaan maamulka Puntland.

Qaar kamid musharaxiinta la diiwaan galiyay.

Cabdiweli Cali Gaas

Xasan Shire Abgaal

Asad Cabdullaahi Cusmaan

Abshir Cumar Haruuse

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole

Axmed Ciise Cawad

Aadan Sheikh Doon

Guuleed Saalax Barre

Axmed Siciid Awnuur