7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 6 , 2024
Itoobiya oo sheegtay xiliga ay Somaliland aqoonsanayso iyo meesha saldhiga ciidan laga siinayo
 

Sabti, January, 6, 2024 (HOL) - Itoobiya ayaa sheegtay in ay Somaliland aqoonsanayso kadib marka heshiiska la dhamaystiro, ee lagu wareejiyo dhulka ay saldhiga ciidan ka dhisanayaan.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Raysal Wasaaraha Itoobiya Redwan Hussein oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladiisa, oo ka jawaabay walaacyada uga imanaya beesha caalamka, ayaa sheegay in Somaliland ay horeba u gashay heshiisyo kuwan la mid ah, sida kii dekeda Berbera ee 2017 kii.

Redwan Hussein oo ka hadlay waxa ay Somaliland ku badalanayso heshiiska saldhiga ciidan, ayaa sheegay in marka heshiiska la dhamaystiro ay Somaliland aqoonsi siin doonaan, isla markaana ay shirkadooda duulimaadyada saami ka siin doonaan.

Redwan Hussein ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday halka laga siin doono saldhiga ciidan, waxa uuna sheegay in madaxda Somaliland ay u sheegeen in ay dajin doonaan badda Lughaya, oo u dhaw xuduudka Itoobiya.

Dowlada Soomaaliya ayaa is afgaradka labada dhinac ku tilmaantay xad gudub ay Itoobiya kula kacday madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo xidhiidhkeedii Itoobiya aanu wanaagsanayn.

Sidookale, urur goboleedyo dhowr ah iyo dowlado waa wayn ayaa ku baaqay in la ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya, iyaga oo sheegay in ay Soomaaliya garabtaaganyihiin.