7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 6 , 2024
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay damaca iyo xadgudubka dowladda Itoobiya
 

Sabti, January, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo muhiim ah.

Labada madaxweyne ayaa ka wadahadlay xoojjnta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo waliba muhiimada Caalamka u leedahay xasiloonida iyo deganaashaha geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey madaxweyne Erdogan mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladda Turkigu ay ka muujiyeen farogelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale u balan u qaaday madaxweynaha Soomaaliya in dowladdiisa ay ku garab taagan tahay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab oo ay ku doonayso in guud ahaan dalka uga ciribtirto kooxda.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo diblumaasiyadeed oo aan kala go' laheyn oo qadka teleefanka kula yeelanayay madax kala duwan oo ka tirsan caalamka, kuwaas oo uu kala hadlaayay xadgudubka dowladda Itoobiya iyo damaceeda ku aadan iney qaadato qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, kadib heshiiskii ay dhawaan la gashay madaxweynaha Somaliland.