7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 6 , 2024
Ciidamada badda Hindiya oo badbaadiyay markab ay burcad badeeddu ku weerareen xeebaha Soomaaliya

Sabti, January, 6, 2024 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Hindiya ayaa soo badbaadiyay badmaaxayaal saarnaa markab ay xeebaha Soomaaliya ka qafaasheen kooxo burcad badeed Soomaali ah maalintii Khamiista ee la soo dhaafay.

War ka soo baxay ciidamada badda ayaa lagu sheegay in dhammaan shaqaalihii markabka lagasoo daadgureeyay.

Wax burcadbadeed ah lagama helin markabka MV Lila Norfolk. Digniin ayaa loo jeediyay burcad badeeda ka hor inta aysan ciidamada Kumaandooska India   kusoo degin markabka dushiisa.

Weeraradii u dambeeyay ee lagu qaaday maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dhaliyay walaac laga qabo in burcad badeeddu ay dib u soo cusboonaato.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Lila Norfolk, isla markaana sita calanka dalka Liberia, ayaa ku sii jeeday dalka Baxreyn, ka hor inta aan la sheegin in laga afduubtay bariga magaalada Eyl ee dalka Soomaaliya.

Shaqaalaha la socday oo gaarayay 21 xubnood, ayaa 15 ka mid ah waxay u dhasheen Hindiya - waxayna fariin murugo leh usoo direen wakaaladda badda ee UK (UKMTO) iyagoo sheegay in shan ilaa lix qof oo hubaysan ay qabteen markabka fiidnimadii Khamiista.

Diyaarad roondo ah oo Hindiya leedahay ayaa loo diray si ay xiriir ula sameyso, waxaana ku xigay INS Chennai oo ah markabka xambaara gantaallada wax burburiya.

Weerarada burcad badeeda Soomaalida ayaa dhibaato weyn ku ahaa maraakiibta caalamiga ah lagasoo bilaabo sanadihii 2008 ilaa 2011, taasi oo keentay in wadamada caalamka ay u soo diraan maraakiib dagaal oo ilaalo ka haya biyaha Soomaaliya.