7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 5 , 2024
Maamulka gobolka Banaadir oo ka horyimid ganaax lagu soo rogay xulka gobolka Babaadir
 

Jimco, January, 5, 2024 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka horyimid go’aan kasoo baxay xiriirka kubbada cagta Soomaaliya, kaasoo saddex dhibcood looga jaray xulka gobolka Banaadir sababa la xiriira shaqaaqadii shalay ka dhacay cayaartii dhexmartay Banaadir iyo Hirshabeelle.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan masuul ka ahayn qalad ay sameeyeen taageerayaasha garoonka, iyagoo sheegay in aanay jirin taageerayaal u diiwaanshan gobolka Banaadir ama kuwa ay tikido siiyeen oo garoonka u yimid inay taageeraan.

Maamulku wuxuu ku baaqay inuu xiriirku sameeyo baaritaan, islamarkaana uu ka feejignaado tallaabo kaste oo carqalad ku ahaan karta habsami u socodka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Waxay kaloo sheegeen in ay ka xun yihiin dhibaatada ka dhacday garoonka iyo dadkii ay saameysay.

Shalay ayay ahayd markii  fowdo dhagax tuur ah ay sameeyeen taageerayaasha garoonka, taasoo ay ku dhaawacmeen dhowr qof. Cayaarta oo maraysa qeybtii dambe ayaa la joojiyay guud ahaanba.

Guddiga anshaxa tartanka ayaa go’aan kusoo saaray in saddexda dhibcood ee cayaartii shalay lasiiyo xulka Hirshabeelle,  ka dib markii taageerayaasha Banaadir lagu eedeeyay inay sameeyeen fowdo.