7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 5 , 2024
UK oo walaac ka muujisay xiisadaha sii kordhaya ee ka dhashay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland
 

Jimco, January, 5, 2024 (HOL) - Dowladda Britain ayaa ku baaqday in la xakameeyo xiisada Geeska Afrika ee ka soo cusboonaatay heshiiskii dhawaan dhexmaray dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

“Ingiriisku wuxuu ka walaacsan yahay sii hurinta xiisadaha Geeska Afrika,” ayay safaaradda Britain ee Soomaaliya ku tiri qoraal ay ku daabacday barta X.

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa ixtiraamka buuxa ee aan u heyno madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayay raacisay.

Ingiriiska ayaa ku boorisay dhinacyada ku lugta leh xiisada gobolka inay is-xakameeyaan oo si nabad ah arrimaha lagu xalliyo.

Soomaaliya ayaa heshiiska dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland ku tilmaantay mid gardaro ah oo ay ku kacday Itoobiya, isla markaana xad gudub ku ah madax-banaanideeda.

Dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika kulamo deg deg ah.

Isniintii, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan in Itoobiya ay marin u hesho badda cas.