7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 5 , 2024
Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la magacaabay
 

Jimco, January, 5, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Guddiga doorashada ayaa lagu wadaa inay isla maanta soo saaraan sharuudaha laga doonayo musharaxiinta u taagan jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Shalay ayay ahayd markii si rasmi ah loosoo gabagabeeyay doorashada hoggaanka baalamaanka, iyadoo la doortay wajiyo cusub oo ay si wadajir ah ugusoo hambalyeeyeen madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Doorashada madaxtooyada ayaa ku beegan labo maalin kadib oo ah isiinta soo socota, iyadoo musharaxiinta mucaaradka ay shalay ku dhawaaqeen isbahaysi ay ku midoobeen si ay talada uga tuuraan madaxweyne Deni.

Doorashada Puntland ayaa hadda ka baxday murankii iyo hubanti la’aantii jirtay, iyadoo mucaaradku ay aqbaleen inay doorashada ka qeyb galaan, walow ay aad u saluugsan yihiin habka loosoo xulay baalamaanka.