7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 5 , 2024
Somaliland oo ka hadashay baaqyada kala duwan ee beesha caalamku kaga hadashay heshiiska Itoobiya
 

Jimco, January, 5, 2024 (HOL) - Somaliland oo ka jawaabtay baaqyo kasoo baxay ururo iyo dowlado oo ku aadana heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegtay in baaqyadaasi anay cambaarayn heshiiska.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), oo waraysi gaar ah siiyay Idaacada VOA, ayaa sheegay in baaqyada kasoo baxaya caalamku anay ka hor iman heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

"Sidan looga hadlayo maaha, badankoodu hadalo iska dibulumaatik ah oo qabow ayay u dhignaayeen, qaar waxay dhinacyada ugu baaqayeen in ay isdajiyaan oo xiisada dajiyaan, sidii kii kasoo baxay IGAD iyo Midowga Afrika oo kale, ka Maraykankana waxaanu u arkaynayba in uu anaga na difaacayo" Ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Waxa uu sheegay in heshiiskani aanu ahayn heshiiskii ugu horeeyay ee ay Somaliland la gasho waddamo shisheeyee, balse ay jiraan heshiisyo lamid ah sida heshiiska dhismaha Dekeda Berbera.

Heshiiska oo dhigaya in 20 kilomitir oo kamid ah biyaha Badda Cas laga kireeyo Itoobiya muddo 30 sanno ah, isla markaana ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, saamina ka siiyo shirkadeeda diyaaradaha, ayaa ka cadhaysiiyay dowlada Soomaaliya.

Banaanbaxyo iska soo horjeeda ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay ka kala dhacay Hargaysa iyo Muqdisho, kuwaasi oo ay soo kala abaabuleen dowlada Soomaaliya iyo xukuumada Somaliland.

Urur goboleedyo ay kamid yihiin Midowga Yurub iyo Jaamacada Carabta, ayaa si cad uga soo horjeestay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyaga oo ku tilmaamay xad gudub ay Itoobiya u gaysatay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.