7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 4 , 2024
Xildhibaanada Soomaalida ee Baarlamaanka Kenya oo si kulul uga hadlay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland
 

Khamiis, January, 4, 2024 (HOL) - Xildhibaanada Soomaalida ah ee ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ee laga soo doorto gobolka Waqooyi Bari kenya ayaa si kulul u cambaareyay damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Xildhibaan Dr. Aadan Keynan oo hadlay Warbaahinta ayaa heshiiska badda ku saabssn ee uu Raysal wasaaraha Itoobiya la galay madaxweynaha Somaliland ku tilmaanay xadgudub toos ah oo meel uga dhacaya madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxay dalbadeen Xildhibanadaan in Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD  in talaabo deg deg ah laga qaado dowladda Itoobiya, haddii aysan ka laaban  heshiiska ay la gashay Somaliland.

"Abiy Ahmed waa wiil yar oo wuxuu sameynaya aanan ka fiirsanen, wuxuu heshiis la galay maamul gobol, taasoo ah xadgudub cad, iyadoo la ogyahay cadawadii Soomaaliya iyo Itoobiya mahan in markale dhibaato uu ku abuuro Soomaaliya Abiy Ahmed, sababto ah dalka Soomaaliya hada ayuu soo kabsan haya oo waa la wada ogyahay, Abiy waxaan leenahay talaabada dib uga noqo taas heshiis kuma noqon doone oo haku xadgudbin madax banaanida Soomaaliya" ayuu yiri Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya.

Mudanayaashaan ayaa sidoo kale sheegay in arintaan ay kala hadli doonaan madaxda sare ee dowladda Kenya oo ugu horeyo madaxweynaha dalkaas Wiliam Ruto.