7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 4 , 2024
Ururka Iskaashiga Islaamka oo kasoo horjeestay damaca dowladda Itoobiya

Khamiis, January, 4, 2024 (HOL) - Ururka iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa bayaan adag kasoo saaray damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid Biyaha Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo madax banaanida dhuleed ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana la dhowro xeerarka Caalamiga iyo kuwa gobolka.

“Waa in la ixtiraamo madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Qoraalka kasoo baxay Ururka iskaashiga islaamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ururku uu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya.

Waxaa isa soo taraya marba marka ka dambeysa dowladaha iyo Ururada Caalamiga ah ee ka hor imaanaya heshiis beenaadka ay wada gaareen maalmo ka hor madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itobiya.

Bayaanka kasoo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku soo beegmaya, kadib baaqii dhawaan Xukuumadda Soomaaliya ay u dirtay  Ururada ay ka tirsan oo ku aadana iney ka hadlaan damaca dowladda Itoobiya.