7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 4 , 2024
Baarlamaanka maamulka Puntland oo doortay guddoomiye cusub
 

Khamiis, January, 4, 2024 (HOL) - Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax ayaa ku guulaystay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, ka dib markii wareegii koowaad ee doorashada uu helay 37 cod oo ah in ka badan codadka aqlbiyada uu ku guulaysan karay.

Labada musharax ee la aadi lahaa wareega labaad ee doorashada ayaa tanaasulay maaddaama musharaxa koowaad uu helay codadkii aqlibiyada ahaa.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in Cabdirisaaq Axmed Siciid uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ee shanta sano ee soo socota.

Guddoomiyaha cusub ayaa ahaa guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka ee Puntland, waxaana lagu tiriyaa inuu kamid ahaa dadka aad ugu dhow madaxweyne Deni.

Walow ay jiraan musharaxiin kale oo mucaaradka katirsan, kuwaas oo garab taagnaa guddoomiyaha cusub.

Doorashada guddoomiyaha ayaa ah mid saamayn ku leh doorashada madaxweynaha Puntland.