7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 4 , 2024
Midowga Afrika oo ku booriyay Itoobiya iyo Soomaaliya inay xiisadaha dhexdooda ka taagan si nabad ah ku xalliyaan
 

Khamiis, January, 4, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa walaac ka muujiyay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland, oo uu caalamku u aqoonsan yahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Gudoomiyaha Midowga Afrika wuxuu codsaday in la is dejiyo oo la is ixtiraamo si loo qaboojiyo khilaafka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay labada dal inay ka fogaadaan fal kasta oo wax u dhimi kara xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.

Wuxuu ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in la ixtiraamo midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-banaanida buuxda ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la raaco mabaadi’da deris-wanaagga si loo kobciyo loona ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu ku booriyay labada dal  in ay yeeshaan hannaan wada-hadal oo aan dib-u-dhac lahayn si ay khilaafkooda ugu xalliyaan qaab wax-dhis ah, nabad iyo wada-shaqeyn ah, si ay u xoojiyaan, una sii qoto dheereeyaan iskaashigooda nabadda iyo amniga gobolka.

Midowga Afrika wuxuu sheegay inuu si adag u garab istaagi doono dhinacooda si ay u taageeraan xal u helida caqabadaha cusub ee Afrika.