7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 4 , 2024
Doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland oo maanta ka dhacaysa magaalada Garowe
 

Khamiis, January, 4, 2024 (HOL) - Kadib markii xal laga gaaray murankii ka taagnaa doorashada Puntland, waxaa maanta dhacaysa doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland.

Afar musharax oo kasoo jeeda gobolka Sanaag oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Cabdiarshiid Yuusuf Jibriil, ayaa ku tartamidoona xilka guddoonka baarlamaanka.

Tiro intaas kasii badan ayaa u taagan labada guddoomiye ku xigeen ee baarlamaanka.

Madaxweyne Deni iyo mucaaradka ayaa ku loolamaya doorashada guddoonka baarlamaanka, iyadoo mucaaradka ay xoogga saarayaan in ay lasoo baxaan musharax ay wataan.

Dhinaca kale, amniga magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo saakay la xiray qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Garowe.

Ciidamada taabacsanaa mucaaradka ayaa sidoo kale dib ugu laabtay xeryahoodii, kadib markii shalay guddiga nabad galyada doorashada ay la kulmeen saraakiisha ciidanka Danab, iyadoo la isku raacay in la qabto doorasho nabad ah.

Doorashada madaxtinimada Puntland ayaa sidoo kale la qaban doonaa afar cishe kadib.