7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2024
Ciidamada dowladda oo duqeyn ka fuliyay goob Al-shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada Qaraxyada
 

Sabti, January, 27, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buq aqable ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga dhacay goob garaash ah oo ay kooxdu kasoo abaabuli jirtay weerarada qaraxyada ah oo ay ka geystaan gudaha dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu guuleystay, islamarkaana dhulka lala simay gaadiid iyo xubna badan oo ka mid ah Kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa garaashka la beegsaday ee ku yaala Buq aqable.

Warka kasoo baxay NISA laguma faahfaahin inta uu dhan yahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay howlgalka maanta ka dhacay deegaanka Buq aqable ee gobolka Hiiraan, hayeeshee waxaa la filaya in saacadaha soo socda ay faahfaahiso dowladda.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Xalay howlgal noocaan oo kale ah oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamka laga fuliyay goob garaasha ah iyo guri ay daganayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku taala degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.