7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2024
Duqeymo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday Galgaduud
 

Sabti, January, 27, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Fedaraalka iyo saaxiibada Caalamka oo Xalay ka dhacday degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Duqeyntaan ayaa noqoneysa midii labaad oo Galhareeri ka dhacda mudo 4 cisho gudahood ah, waxaana la sheegay in lagu bartilmaameedsaday guri ay daganayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab iyo xarun kooxdu ku farsameyso qaraxyada.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in duqeynta jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, islamarmaana xubno badan looga dilay, hayeshee qoraalka laguma shaacin tirada rasmiga ah ee lagu dilay duqeynta.

"Jab xoogan ayaa maleeshiyada lagu gaarsiiyay weerarkaan oo ay xogtiisa iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka waxaana dhulka lala simay dhamaan goobihii Howlgalka laga fuliyay. Dhawaan ayaa dhulka lala simay idaacad beenaadkii argagixisada, geerish ay gawaarida ku farsameeyaan, iyo guri ay deganaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda naf la caariga ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Si kastaba ha ahaatee duqayntii hore ee ka dhacday Galhareeri Talaadadii lasoo dhaafay ayaa dowladda Fedaraaka sheegtay in lagu dilay 30 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo isugu jiray horjoogayaal, maleeshiyaad, Wariyaal iyo farsamayaaqo kooxda u qaabilsana sameynta qaraxyada oo ay ajaaniib ku jireen.