7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2024
Itoobiya oo ku eedeysay Masar inay ciidamo militari ah usoo dirayso Soomaaliya
 

Sabti, January, 27, 2024 (HOL) - Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku cambaareeyay hanjabaadda Masar ee ku aaddan faragelinta milateri ee Soomaaliya iyo Badda Cas ee ku aaddan muranka biyaha Niil.

Bayaanka ayaa Masar ku eedaynaya inay tahay cadow taariikhi ah oo mar walba isku dayaya inuu wiiqo danaha iyo horumarka qaranka Itoobiya.

War-saxaafadeedka oo lagu daabacay Baraha Bulshada ee rasmiga ah ee Ciidanka Difaaca, ayaa waxaa qoray Aschalew Lencha oo ka tirsan saraakiisha Ciidanka Difaaca.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Masar aysan ku faraxsanayn dhismaha biyo xireenka Renaissance Dam, oo ah mashruuc koronto ah oo ujeedkiisu yahay in la helo amniga korontada iyo biyaha ee Itoobiya iyo gobolka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Masar ay dhawaan bilowday olole cusub oo caga-jugleyn iyo daandaansi ah, iyadoo ku hanjabtay inay ciidamadeeda u soo dirayso Soomaaliya si ay uga hortimaado danaha Itoobiya.