7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 20, 2024
Booliiska Soomaaliya oo sheegay iney gacanta ku soo dhigeen askari galabta dil geystay
 

Sabti, January, 20, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca oa qaaday in gacanta lagu soo dhigay askari ka tirsan ciidanka Booliiska oo galabta askari hore kale ku dilay xaafada Xaawa taako ee degmada Wadajir.

War qoraal ah oo kasoo baxay ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu hayo eedeysane lagu magacaabo Mowliid Maxamuud Axmed oo ku eedeeysan dilka marxuum askari hore uga tirsana Boliiska oo lagu magacaabi jiray Daahir Cabdi Axmed.

“Maanta 20 Jan 2024, abaare 14:00 PM, ayaa la dilay Marxuum ex- Boliis Daahir Cabdi Axmed, ina Salaado Maxamed Geedi 45 jir ku dhashay Mudug, deganaa Wadajir, kaas oo lagu dilay Degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xaawo-taako” ayuu lagu yiri war kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in eedeysanaha si deg deg loo hor keeni doono cadaalada.

“Eedeysane Boliis, Moowliid Maxamuud Axmed, oo ku eedeeysan dilka marxuumka, ayaa Ciidamada Amaanku gacanta ku dhigeen, hadana wuu xiranyahay, waxaan ku socota baarista si cadaalada loo horgeeyo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska.

Taliska ciidanka Boliiska ayaa sidoo sheegay iney ka xun yihiin dhacdada Maanta ee lagu dilay Marxuum ex Booliis Daahir Cabdi Axmed, waxaana xusid mudan in banaanbax looga soo horjeedo dilka askariga hore inuu galabta ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.