7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 20, 2024
Raysal wasaare ku xigeenka dalka: Somaliland waxay ka mid tahay Soomaaliya mana geli karto heshiis caalami ah
 

Sabti, January, 20, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, oo wareysi siiyay Idaacadda iyo Telefishinka Turkiga ee TRT, ayaa sheegay Somaliland in aysan xaq u lahayn inay heshiisyo caalami ah galaan.

Raysal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya waxa uu sheegay in Somailand ay qeyb ka tahay oo ay katirsan yihiin dhulka jamhuuriyadda federaalka  Soomaaliya.

Saalax Axmed Jaamac waxa uu tilmaamay heshiiska Somaliland ay la gashay Itoobiya inuu yahay khatar weyn oo aan la dhayalsan Karin oo saameyn weyn ku yeelan doonta Geeska Afrika.

“Waxaa la yaab leh in waqtigan hal waddan uu isku dayayo inuu soo galo dhulka Soomaaliyeed isaga oo ku andacoonaya inay u baahan yihiin inay badda galaan, runtii Itoobiya waxay heli kartaa badda ama dekedaha Jabuuti, Soomaaliya, Kenya iyo Ereteriya, dekedo yar baa jira,.” Ayuu yiri raysal wasaare ku xigeenka dalka.

Saalax wuxuu sheegay in damaca dowladda Itoobiya uu sababi karo isku dhacyo sababo la xiriira habdhaqanka mas’uuliyad darrada ah ee madaxda Itoobiya.