7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 20, 2024
Madaxweynihii hore ee Nigeria oo loo diray inuu dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo Soomaaliya
 

Sabti, January, 20, 2024 (HOL) - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria, Olusegun Obasanjo u diray si uu qeyb uga qaado dadaallada iyo wada-xaajoodyada looga hortago xiisadaha sii xumaanaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa gaaray meeshii ugu xumayd, ka dib markii Somaliland uu heshiis la saxeexday Itoobiya 1-dii January, kaas oo u ogolaanaya in ay gacanta ku dhigto deked iyo saldhig ciidan oo ku yaalla Badda Cas.

Obasanjo ayaa wajahaya hawl adag iyadoo dowladda Soomaaliya ay diiday in la dhex dhexaadiyo Itoobiya, illaa laga noqdo heshiiska xad gudubka ku ah madax bannaanida Soomaaliya ee ay Somaliland la gashay.

Guddiga nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay u hoggaansamaan mabaadi'da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga.

Midowga Afrika wuxuu u arkaa Somaliland inay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya oo ku dhawaaqday in aysan wax wadahadal ah la geli doonin Itoobiya haddii aysan ka laaban heshiiskii ay la galeen Somaliland, ayaa laga yaabaa inay saamayn ku yeelayo wada xaajooda uu Midowga Afrika doonayo in laga dhex sameeyo labada dal.

Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad gduubtay madaxnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Dowladdu waxay sheegtay haddii aysan Itoobiya ka laaban heshiiskaas in laga dhaxli doono cawaaqib xumo.