7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 20, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo gaaray dalka Masar
 

Sabti, January, 20, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar,  Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siin doona xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashigooda sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Masar ayaa kamid ah waddamada sida buuxda u taageeray midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo soo horjeestay fal kasta oo wax u dhimaya Qaranimada Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay dhawaan soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Masar, ayaa lagu sheegay in Qaahira ay fahansan tahay khatarta ka dhalan karta dhaq-dhaqaaqyada Itoobiya ee badda, kuwaas oo ay ku tilmaamtay inay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka Geeska Afrika, korna u qaadayso xiisadda ka dhex aloosan dalalkeeda.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa xaqiijiyay, mar uu taleefoon kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya, mowqifka adag ee Masar ay ka taagan tahay Soomaaliya oo ay ku taageerayso amnigeeda iyo xasiloonideeda.

Masar ayaa si cad u tilmaamtay in heshiiska gelitaanka Badda Cas ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland uu saamaynta xun ku yeelanayo xasilloonida gobolka.