7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale si adag uga hadlay xad gudubka Ethiopia ku hayso dhulka Soomaaliya
 

Jimco, January, 19, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan in uusan ahayn mid kaliya khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu halis ku yahay xasilloonida gobolka, isagoo sheegay inuu fursad cusub siinayo argagixisada ka jirta gobolka geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadalada is-daba-joogga ah ee ka soo baxaya saraakiisha Itoobiya ay ka dhigan yihiin xad-gudub halis ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 “Waxaan carrabka ku adkeeyay in hadalada is-daba-joogga ah ee ka-fiirsasho la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada ah ee ka soo yeeraya mas’uuliyiinta Itoobiya ay ka dhigan yihiin xad-gudub halis ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo muujineysa in aan si buuxda loo ixtiraamin mabaadi’da asaasiga ah ee sharciga caalamiga ah.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadday, xilli raysal wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed  uu maanta sheegay in dalalka aan badda lahayn ay la kulmaan caqabado hortaagan in ay daboolaan baahida dadkooda si ay u helaan nolol ku filan oo waarta iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen horumarkooda.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay Itoobiya inay sii wadi doonto inay raadiso xal nabadeed oo labada dhinacba faa'iido u leh iyo wada xaajood lagu xaliyo caqabadahan.