7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh oo diiday dalab kulan ah oo uga yimid raysal wasaare Abiy Axmed
 

Jimco, January, 19, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay dalab ua yimid dawladda Itoobiya oo ahaa inay labada waddan kulmaan oo ay ka wada hadlaan sidii loo damin lahaa xiisada ka dhex aloosan.

Sida lagasoo xigtay ilo katirsan wasaaradda arrimaha dibbada Soomaaliya, raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa doonaya inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, si ay labada hoggaamiye is-fahan uga gaaraan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay heshiiska Itoobiya ay Somaliland la sixiixatay.

Xog sidoo kale lagasoo xigtay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegaysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu iska diiday codsigii ka soo gaaray dhinac xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheikh in wadahadal uu la galo, hase yeeshee madaxweynaha Soomaaliya ayaa shardi ku xiray in marka hore Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland ka hor inta uusan dhex marin wax wadahadal ah.

Itoobiya oo horey uga gaabsatay ka qeyb galka shirkii IGAD ee Kampala dhacay, ayaa wajahaysa  cadaadis caalami ah oo kaga imaanaya beesha caalamka, kuwaas oo kasoo horjeestay heshiiska ay la gashay Somaliland.

Dhinaca kale, Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta shir caalami ah uga qeyb galaya magaalada Kampa, halkaas oo shalay lagusoo gabagabeeyay shirkii urur goboleedka IGAD.