7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2024
Gaari Dameer laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu weeraray ciidanka Kenya ee ku sugan xuduuda Baladxaawo

Jimco, January, 19, 2024 (HOL) - Gaari dameer ah oo siday walxaha qarxa ayaa lagu weeraray bar kontorool oo ku taal xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ku dhintay hal askari oo ka tirsan booliska Kenya afar kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Warbixin ka soo baxday Booliska Kenya, ayaa lagu sheegay in gaari dameerkaan oo uu watay qof shacab ah uu ka gudbay Koontaroolka ay ciidanka Soomaaliya ku leeyihiin Buula Xaawo, kadibna uu galay xadka Kenya, halkaas oo ay ku joojiyeen Askarta Kenya si ay u hubiyaan rarka saaran, ka dibna waa uu ku qarxay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkii waday uu ka booday oo uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya daqiiqado ka hor inta uusan gaadhigu qarxin, taasi oo keentay in dab xoogan uu ka kaco xadka dhanka waqooyi ee Mandheera.

Wararka ayaa sheegaya in darawalkii Gaari dameerka ay xireen Ciidamada Booliska Soomaaliya, xilli uu doonayay in uu baxsado, waxaana la sheegay in Ciidamada Ammaanka ee Degmada Mandheera ay kala xaajoodeen Booliska Buula Xaawo in lagu soo wareejiyo Maamulka Kenya.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Al-Shabaab, ayaa marar badan qaraxyo iyo weeraro ka geysatay gudaha dalka Kenya iyo xadka labada waddan.