7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 19, 2024
Maraykanka oo ku baaqay in xiisadaha Soomaaliya iyo Ethoipia lagu xalliyo hab diblumaasiyadeed

Jimco, January, 19, 2024 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hab diblomaasiyadeed oo keliya lagu xallin karo khilaafka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Ethiopia.

Maraykanka ayaa soo dhoweeyay shirka aan caadiga ahayn ee IGAD ay ku qabatay dalka Uganda, kaasoo looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa xiisadda sii kordhaysa ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Mareykanka waxaa ka go'an iskaashi iyo inuu taageero dadaallada lagu hormarinayo nabadda iyo xasilloonida dadka Geeska Afrika ay doonayaan oo ay mudan yihiin,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo xafiiska arrimaha dibbada Maraykanka ee Afrika.

Maraykanka ayaa horey mowqifkiisa u caddeeyay, isagoo sheegay heshiiska Ethiopia iyo Somaliland inuu khatar ku yahay xasiloonida gobolka, isagoona dowladda Ethiopia ugu baaqay inay ilaaliso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed Soomaaliya.

War kasoo baxay aqalka Cad ayaa walaac looga  muujiyay in heshiiskaas uu horseedi karo xasillooni darro iyo in la carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo argagixisada.

John Kirby, isuduwaha xidhiidhka golaha amniga qaranka Maraykanka, ayaa u sheegay warfidiyeenka in aqoonsiga Ethiopia ay siiso Somaliland uu halis gelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.