7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2024
Urur goboleedka IGAD oo walaac weyn ka muujiyay xadgudubka dowladda Itoobiya ay ku hayso dhulka Soomaaliya

Khamiis, January, 18, 2024 (HOL) - Magaalada Entebbe ee dalka Uganda waxaa ka furmay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen madaxda urur goboleedka IGAD, kaasi oo looga hadlayay colaadaha ka aloosan dalka Suudaan iyo xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

IGAD ayaa shirkaan ku muujisay walaaca qotada dheer oo ku saabsan xiriirka sii xumaanaya ee Itoobiya iyo Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in labada waddan ay dejiyaan xiisadda, beddelkeedana ay galaan wadahadal wax ku ool ah.

Bayaan kasoo baxay shirkaan ayaa lagu xaqiijiyay mabaadi’da asaasiga ah ee ixtiraamka madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

IGAD waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay xad-gudubka Itoobiya ay ku hayso dhulka Soomaalida.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ka qeyb galay madaxda Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, iyo Uganda.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, iyo wakiillo ka kala socday Sacuudiga, Midowga Yurub iyo Mareykanka.

Itoobiya ayaanan ka qeyb galin shirkaan, iyadoo maalin ka hor soo saartay war saxaafadeed ay ku muujinaysay in ay ku adag tahay inay ka qeyb gasho shirkaan. waxay sheegtay sheegtay in lagusoo war galiyay waqti dambe.