7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2024
Somaliland oo beenisay in dowlada Soomaaliya ay celisay diyaarad Hargaysa ku socotay
 

Khamiis, January, 18, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa beenisay warka dowlada Soomaaliya ee ah, in ay hawada ka celisay diyaarad ka diiwaan gishan dalka Thailand, oo u socotay Hargaysa.

Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland oo ka hadashy diyaaradda ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay maanta ka celisay garoonka Hargeysa, ayaa beenisay jiritaanka warka celinta diyaarada.

"Hayadda Duuulista iyo Madaarada JSL waxay bulshada la wadaagaysaa in madaarka caasimada ee Cigaal  iyo madaarada kale ee dalkuba ay maanta marti galiyeen duulimaadyadii joogtada aha, ma jirto diyaarad laga leeyahay Thailand oo xamuul ah oo maanta imanaysay  oo hawada laga celiyay".

Waxa kale oo lagu yidhi qoraalka Hayadda Duulista iyo Madaarada Somaliland in ay  "Dadweynaha ogaysiinayso inay socdaan shirar muhiim ah oo ku saabsan arimaha hawada Somaliland, go'aanada shirarkaasna ay wakhtiga ku haboon bulshada la wadaagi doonto.

Diyaaradan ayaa noqonaysa tii labaad ee ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay hawada ka celisay shalay ilaa maanta, dowlada Soomaaliya ayaa shalay hawada ka celisay diyaarad siday wafti heersare ah oo Itoobiyaan ah, taasi oo ku jihaysnayd magaalada Hargaysa.