7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 18, 2024
Shirka madaxda Urur goboleedka IGAD oo Maanta ka furmay magaalada Kampala

Khamiis, January, 18, 2024 (HOL) - Magaalada Kambala ee Caasimadda dalka Uganda waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir madaxeedka 42-aad ee Urur goboleedka IGAD.

Shirkaan ayaa looga arinsanaya xiisada ka dhex taagan Soomaaliya Itoobiya ee ka dhalatay heshiis Itoobiya ay Addis Ababa kula gashay Somaliland oo ahaa in Itoobiya ay hesho 20 KM oo ka mid ah biyaha Soomaaliya, dabadeedna ay Somaliland u aqoonsaneyso dowlad madax banaan.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha dalalka kala Soomaaliya, Uganda, Kenya, Jabuuti iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo Itobiya ay ka cudur daaratay ka qeybgalka shirkaan maadama ay wajaheyso waji gabax kasoo gaaray heshiiskii Somaliland ay la gashay.

Waxaa sidoo kale shirka kor joog ka ah  Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub iyo Jaamacadda Carabta, iyo wafdi sare oo ka kala socda dalal kala ah Maraykanka,Turkiga, Sucuudiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Shirkaan maanta u furmay madaxda Urur goboleedka IGAD oo ay itoobiya ka maqan tahay ayaa ah mid natiijada kasoo bixi doonta si weyn indhaha loogu wada haayo.